Xoghayaha QM iyo Farmaajo oo ka wada-hadlay arrimo ay ku jiraan doorashooyinka

Xoghayaha QM iyo Farmaajo oo ka wada-hadlay arrimo ay ku jiraan doorashooyinka

daajis.com:- Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya, isaga oo xoghayaha guud uu sheegay inuu rajaynayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.

Xoghayaha guud ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka al-Shabaab iyo abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.


Xoghayaha guud ayaa sidoo kale muujiyey sida uu u taageersan yahay hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, isaga oo Soomaaliya u rajeeyey inay awood u yeelato inay si buuxda ula wareegto amnigeeda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada