ATMIS oo soo saartay go’aan culus oo la xiriira teendhada doorashada ee Afisyoone

ATMIS oo soo saartay go’aan culus oo la xiriira teendhada doorashada ee Afisyoone

daajis.com:- Waxaa bandow lagu soo rogay xerada ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow kadib qoraal kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

ATMIS ayaa qoraalka kasoo baxay ku sheegtay in kadib wada-tashi ay la yeelatay gudodomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe go’aan lagu gaaray in bandow lagu soo rogo xerada iyo meelaha ku dhow dhow maadaama ay halkaas ka dhaceyso 15-ka Bishaan doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 10-ka May  illaa 17- ka Bisha.

Go’aanka kasoo baxay ATMIS ayaa imaanayo Maalin kadib markii guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida ammaanka doorashada.

Guddoonka Baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa ku heshiiyey in guud ahaan amniga goobta doorashada ka dhaceyso lagu wareejiyo ciidamada ATMIS.

Guddiga doorashada oo soo saaray qoraal 3 bog ka kooban oo lagu faahfaahiyey qaabka loo sugayo amniga doorashada oo gebi ahaanba lagu wareejiyey ciidamada ATMIS ee midowga Africa ayaa doorka ciidamada Soomaaliya lagu soo koobay 25 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska oo sugi doono gudaha Tendhada ay doorashada ka dhaceyso.


Musharixiinta madaxweynaha ayaa kaliya loo ogolaaday hal qof oo codka u tiriyo, halka musharixiinta madaxweynayaasha horey usoo noqday loo ogolaaday 2 Qof, madaxweynaha muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna loo ogolaaday inuu xerada la galo.

Maanta ayaa lasoo gabagabeeyey qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya iyo shahaado siinta, waxaana Berri bilaabanayo khudbadaha ay jeenayaan musharixiinta is diiwaan geliyey oo gaaraya 40 Musharax.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada