Daawo: Agaasimihii Villa Somalia ee Farmaajo oo shaaciyey in deyn lagu leeyahay

Daawo: Agaasimihii Villa Somalia ee Farmaajo oo shaaciyey in deyn lagu leeyahay

daajis.com:- Agaasimihii hore ee Villa Somalia Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo xalay xilkaas wareejiyey ayaa shaaca ka qaaday in deyn lagu leeyahay xarunta dalka looga arrimiyo.

Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo khudbad ka jeediyey munaasabaddii uu xalay xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in liiska uu wareejiyay ay kamid yihiin shaqaale rayid ah, ciidan, shaqaale is xilqaan u shaqeenayey iyo xubno uu horay usii watay Madaxweyne Farmaajo iyo deyn kooban.


“Liiska aan wareejinayo waxaa kamid ah shaqaalaha rayidka ahaa ee Madaxtooyada, Shaqaalaha KMG ah ee Madaxtooyada, Shaqaale la yiraahdo is xilqaan oo madaxtooyada ka tirsan, deyn kooban oo madaxtooyada lagu leeyahay, dukumiinti profile ah oo waaxyaha dhan ay ku qoran yihiin oo aan ku wareejinay Electronic, Liiska Hantida Madaxtooyada ay heysato oo dhammaan way lambareysan yihiin & Shaqaale raacay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si dadban Madaxtooyada uga tirsanaanayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Ciise agaasimihii hore ee Madaxtooyada.

Maxamed Cabdullaahi ma sheegin ama faha-faahin kama bixin waxa ay tahay deynta lagu leeyahay madaxtooyada.

Warka kasoo yeeray agaasimihii hore ee madaxtooyada ee ah in deyn lagu leeyahay Villa Somalia ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada waxayna dadka qaar shaki geliyeen sheegashadii madaxweynihii hore ee Farmaajo ee aheyd in dowladiisa ay si weyn ula dagaalantay musuq-maasuqa, isla markaasna ay ku dadaashay bixinta xuquuqda lagu leeyahay.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa hadda maamulkeeda la wareegay Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah agaasime iyo ku xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cismaan kuwaas oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha cusub ee Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud, ayagaana laga doonayo inay xog dheeri ah ka bixiyaan waxa ay tahay deyntan.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmi doonin shaqada, wuxuuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee dalka.

Halkaan hoose ka daawo hadalka agaasimihii hore ee madaxtooyada






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada