Dad cabsi badan ka qaaday Sawir Libaax oo goob beer ah ku arkeen (Sawirro)

Dad cabsi badan ka qaaday Sawir Libaax oo goob beer ah ku arkeen (Sawirro)

daajis.com:- Baraha bulshada iyo warbaahinta dalka Kenya ayaa aad looga hadal hayaa bac uu libaax ku sawiran yahay oo cabsi badan ku abuuray dad kunool deegaanka Kinyana ee gobolka Meru ee bartamaha Kenya.

Dadka deegaanka ayaa arkay sawirka bacda Libaax oo geedo ku hoos jira, waxa ayna dadku moodeen in goobtaasi uu ku jiro libaax ganbanaya oo doonaya in dadka deegaanka waxyeelo u geesto.

Maamulka deegaanka iyo ciidamada ilaalada duurjoogta ayey dadku gaarsiiyeen sawirka ay libaaxa moodeen ee cabsida galiyay, waxaana goobta markii ay soo gaareen ciidamada arkeen in bac uu ku sawiran yahay Libaax yahay waxa cabsida galiyay.


Dadka deegaanka ayaana Cabsida ka ba’day kadib markii ay ogaadeen in labaaxu yahay sawir ku dhagan bac lagu soo rito alaabaha suuqa laga soo iibsado, waxaana cabsidii isku badashay qosol iyo maad .







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada