DEG-DEG Musharrax Madaxweyne Daahir Geelle oo ka haray Tartanka doorashada

DEG-DEG Musharrax Madaxweyne Daahir Geelle oo ka haray Tartanka doorashada

daajis.com:-Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhowaaqay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ee la filayo inay berri ka dhacdo teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya,” ayuu Daahir Geelle ku yiri qoraal uu soo saaray. 

“Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.”

Daahir Geelle ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka 11-aad in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

Waxaa horey sidoo kale tartanka uga haray Cabdikariin Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdille Maxamed oo labaduba sheegay inay u tanaasulee Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Daahir Geelle ma shaacin cid uu si gaar ah u taageerayo. 

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.” 

Guuleed ayaa isna yiri “Dalku wuxuu soo maray shantii sano lasoo dhaafay is qab-qabsi iyo kala irdhoobid xoog leh. Wuxuu u baahan yahay isbadal mug leh oo xasiloonidii soo celiya. Waxaa qayb kasii ahaanaya isbadalkaas waxaana garab taaganahay Walaalkay Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.” 


Cabdikariim Guuleed ayaa sidoo kale ku booriyay taageerayaashiisa inay ololaha maalmaha kooban ku garab istaagaan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada