Gambia 'oo maxkamadeyn doonta' madaxweynihii hore Yahya Jammeh

Gambia 'oo maxkamadeyn doonta' madaxweynihii hore Yahya Jammeh

daajis.com:- Dowladda Gambia ayaa Arbacadii sheegtay inay aqbashay talo uu soo jeediyay guddiga runta iyo dib u heshiisiinta, taas oo aheyd in madaxweynihii hore Yahya Jammeh oo hadda dibad-joog ah lagu maxkamadeeyo dilal iyo dembiyo kale oo looga shakisan yahay tan intii uu xaafiiska joogay.


Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gambia Dawda Jallow ayaa sheegay in dacwad-ooge gaar ah uu kormeeri doono kiisaska xadgudubyada laga helay xukunkii Jammeh ee 1994 ilaa 2017, kuwaas oo lagu soo bandhigay warbixintii Guddiga Runta, Dib u heshiisiinta iyo Magdhawga (TRRC) ee sanadkii hore.

Guddigan madaxa-banaan ayaa sheegay in Jammeh iyo gacansaarayaashiisa ay mas’uul ka yihiin 44 dambi oo gaar ah oo ka dhan ah saxafiyiinta, askar hore, siyaasiyiin kasoo horjeeda iyo dad rayid ah, oo ay ku jiraan dil iyo kufsi.

Jammeh ayaa talada dalka yar ee Galbeedka Afrika ku qabsaday afgambi sanadkii 1994-tii, waxaana lagu khasbay in uu xilka ka dego kadib markii looga guuleystay doorashadii 2016-kii ee uu ku guuleystay madaxweynaha hadda, Adama Barrow, wuxuuna u cararay waddanka Equatorial Guinea, isagoo dafiray inuu geystay wax dambi ah.

Isagoo sharraxayay jawaabta rasmiga ah ee dowladdu ka bixisay warbixinta TRRC, ayaa Xeer Ilaaliye Jallow wuxuu sheegay in fulinta talooyinkeeda ay tahay inay ka mid boqon doonaan "waqti cad iyo natiijooyin la taaban karo."




“Waxaa hubaal ah in aan dhihi karo waa in madaxweynihii hore Jammeh uu wajihi doono caddaalad,” ayuu yiiri Jallow.

Si uu Jammeh u wajaho maxkamadeynta, Equatorial Guinea waa inay oggolaato inay Jammeh u gacan geliso dalka Gambia. Sidoo kale saddex meelood labo meel baarlamaanka Gambia ayaa ku qasbanaan doona inay ansixiyaan dacwad oogistan.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada