Golaha Amaanka Q.Midoobe oo mudo kordhin u sameeyay howlgalka UNSOM

Golaha Amaanka Q.Midoobe oo mudo kordhin u sameeyay howlgalka UNSOM

daajis.com:- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa mudo shan bilood ah ugu daray shaqada xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo la isku raacay in xafiisku sii shaqeeyo ilaa Oct. 31, 2022.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii golaha la horgeeyay Qaraar tirsigiisu yahay 2632 kaasoo ay si wada jir ah markii danbe ay u ansixiyeen 15-ka xubnood ee golaha, waxaana la soo bandhigay baahida weyn ee xiligan loo qabo balaarinta mudada howlgalkan.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, meel marinta qaraarkan kadib Golaha ammaanka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in uu golaha si joogto ah ula socodsiiyo go’aankan, waxaana la isku raacay in warbixinta xigtana ay ku egtahay 31-ka Agoosto.

Waajibaadka UNSOM waxa uu ku ekaa dhamaadka bishan May, balse waxa uu haatan ku egyahay dhamaadka bisha October, maadaama shan bilood lagu daray, lama oga waxa ay ka bedeli doonaan shaqadooda oo dhaliilo loo jeediyo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada