IMF oo saddex bil ku kordhisay muddada ay kaalmada siiso Soomaaliya

IMF oo saddex bil ku kordhisay muddada ay kaalmada siiso Soomaaliya

daajis.com:- Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay dheereyso muddada ay kaalmada siiso Soomaaliya kadib markii lasoo geba-gebeeyey doorashada dalka, waxaa sidaas maanta sheegtay sarkaal sare.

Barnaamijka ay IMF ku caawineyso Soomaaliya oo ah $400 milyan muddo saddex sano ah, ayaa lagu waday inuu dhaco 17-ka May haddii aan maamul cuusb la dooran kahor xilligaas, ayada oo marar badan ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya.

Hase yeeshee Guddiga Fulinta iMF ayaa toddobaadkii tegay aqbalay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa in waqtiga loogu daro saddex bilood oo ku eg 17-ka August, si waqti loogu siiyo dowladda madaxweynaha cusub Xasan Sheekh inay darasto oo ay taageerto isbeddelada la qorsheeyey.

“Muddo kordhinta waxay waqtiga loo baahan yahay siin doontaa in la xaqiijiyo fahamka siyaasadda dowladda cusub iyo xaqiijinta damaanadda maal-gelinta ee saaxiibada horumarinta,” waxaa sidaas tiri Laura Jaramillo Mayor, oo ah madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya oo email usoo dirtay wakaaladda wararka AFP.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaga oo rajeynaya inay soo afjari doonti xasillooni darro siyaasadeed oo muddo dowladda ka weeciyey halisaha kale sida rabshadaha argagixisada iyo abaarta.

Sida ku cad xeerarka barnaamijka iMF, deynta Soomaaliya ayaa hoos ugu dhici kartaa $557 milyan marka ay ugu dhowdahay sanadda 2023, sida ay Jaramilo ku sheegtay wareysi ay bishii Febraayo siisay AFP.

Tani waxa ay Muqdisho u ogolaan doontaa inay soo jiidato maal-gelin dheeri ah oo ay ka hesho saaxiibada caalamka, kana caawiso horumarinta qeybaha gaarka ah.

Soomaaliya ayaa la sheegay in 70% dadkeeda ay ku nool yihiin wax kayar $1.90 maalinkii, waxayna la xarbineysaa inay kasoo kabato tobanaan sano oo ah dagaal sokeeye iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.


Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay bil kasta ka gaabta $10 milyan oo ah miisaaniyaddeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo horey xilka usoo qabtay 2012 illaa 2017, islamarkaana ah hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee dib loo doorto, ayaa ballan qaaday inuu dalka ka dhigi doono “mid heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada