Swan iyo Xasan Sheekh oo ka wada hadlay sii wadista taageerada Qaramada Midoobe.

Swan iyo Xasan Sheekh oo ka wada hadlay sii wadista taageerada Qaramada Midoobe.

daajis.com:- Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swana.

Kulanka oo intiisa badan is xog wareysi u badnaa ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

“Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa, waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe.


Madaxweyne Xasan oo todobaadka soo socda xafiiska la wareegayo ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu waday kulamo kala duwan uu la yeelanayay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka, iyadoo kulamadaas intooda badan diirada lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka dowladda iyo beesha caalamka oo hoos u dhacay Shantii sano uu xafiiska joogay Farmaajo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada