Axmed Madoobe oo Muddo kadib maanta ku dhax lugeeyay xarunta Madaxtooyada (Sawirro)

Axmed Madoobe oo Muddo kadib maanta ku dhax lugeeyay xarunta Madaxtooyada (Sawirro)

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guushah ku soo dhammaaday.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Axmed Madoobe ayaa muddo sannad ka badan aan cagtiisa saarin xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana maanta booqashada uu ku tagay aheyd miod kaga duwan kuwii hore, waxa uuna ku dhax lugeeyay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble.


Isbadalka ka dhacay hoggaaminta dalka ayaa qeyb weyn waxaa ku lahaa  Jubbaland oo dagaal siyaasadeed oo adag la gashay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Xildhibaanada Jubbaland lagu soo doortay si weyn u taageereen Madaxweune Xasan Sheekh.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada