Kulamada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo bilowday, maxaase laga yiri 16-ka xildhibaan ee Gedo?

Kulamada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo bilowday, maxaase laga yiri 16-ka xildhibaan ee Gedo?

daajis.com:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay shaqada ugu weyn ee hortaalla Baarlamaanka inay tahay doorashada madaxweynaha, isla markaana uu doonayo inay si deg deg ah ay u qabsoonto.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan 'si waafaqsan nidaam dheelli tiran.' Wuxuu sidoo sheegay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare oo isna goor dhaweyd uu u bilowday kulan ay ku dooranayaan guddiga doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in maadaama ay tirada guud ee guddigan ay noqon doonto 17 xubnood uu guddoonka Baarlamaanku magacaabi doono xubinta dheeriga ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay 'inuu go'aan ka gaari doono' wixii maanta ka dambeeya.


Xubnaha golaha ayaa hadda ku maqan xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha.

Wixii war ah ee ku soo kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada