Shiikh Aadan Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay wakiilada beesha caalamka (Sawirro)

Shiikh Aadan Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay wakiilada beesha caalamka (Sawirro)

daajis.com:-Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Shiikh Aadan Madoobe ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilada beesha caalamka u fadhiya Somalia

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii qaab hufan  loogu soo gabagabeyn lahaa hannaanka doorashada, iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay sidii loo xalin lahaa muranka ka taagan xildhibaano labo garab ah oo lagu doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.


Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhinaciisa kaga warbixiyey beesha caalamka qorsheyaashiisa ku aadan sidii qaab nabdoon loogu soo gebagebeyn lahaa doorashada, wuxuuna xusay inuu dedaalkiisa iskugu geyn doono sidii uu u qancin lahaa dhinacyada oo dhan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada