Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagaya Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagaya Baydhaba

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ee gudaha dalka ugu kicitimay magaalada Baydhaba.

Safarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay socdaal uu madaxweynuhu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabadda”.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku marayo booqashadiisa sidoo kale diiradda saari doono arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, abaaraha, iyo xasillooni siyaasadeed.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ee xilka kasii degaya iyo xildhibaanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada