Maraykanka oo walaac ka muujiyay qorshe militari oo uu damacsan yahay madaxweyne Erdogan

Maraykanka oo walaac ka muujiyay qorshe militari oo uu damacsan yahay madaxweyne Erdogan

daajis.com:- Mareykanka ayaa Talaadadii walaac ka muujiyay qorshaha Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan uu ku doonayo in uu dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cusub uga bilaabo xudduudda koonfureed ee dalkaas, isagoo sheegay in weerar kasta oo cusub oo lagu qaado waqooyiga Suuriya uu wiiqayo xasilloonida gobolka, isla markaana uu halis gelinayo ciidamada Mareykanka.

"Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada iyo doodaha ku saabsan suurtagalnimada kororka dhaq-dhaqaaqa militari ee waqooyiga Suuriya, gaar ahaan, saameynta ay ku leedahay dadka rayidka ah ee ku nool halkaas," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

"Waan aqoonsannahay walaaca ammaanka ee dhabta ah ee Turkiga ee ka jira xudduudda koonfureed ee Turkiga, laakiin weerar kasta oo cusub wuxuu sii wiiqi doonaa xasilloonida gobolka wuxuuna halis gelinayaa ciidamada Mareykanka iyo ololaha isbaheysiga ee ka dhanka ah ISIS," ayuu sii raaciyay Price.

Erdogan ayaa Isniintii sheegay in Ankara ay dhawaan bilaabi doonto howlgallo cusub oo militari oo laga sameeyo xuduudaheeda koonfureed si loo abuuro aagag nabdoon oo 30 km ah, si loola dagaallamo waxa uu ku tilmaamay khataraha argagixisada ee ka imaanaya gobolladan.


Hawlgalkan ayay u badan tahay inuu bartilmaameedsado waqooyiga Suuriya, halkaas oo Turkigu dhowr ka fuliyay hawlgallo milatari tan iyo 2016, si uu u wiiqo unugyada hubeysan ee Kuriyiinta ee YPG iyo PKK.

Ankara ayaa tan iyo sannadkii 2016-kii saddex duullaan ku qaadday waqooyiga Suuriya, iyadoo la wareegtay boqollaal Kiilo Mitir oo dhul ah, waxayna 30 KM gudaha u gashay dalkaas, iyadoo hawlgalladan inta badan lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee uu Maraykanku taageero.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada