Sababaha keenaya in Sri Lanka ay qarka u saaran tahay inay musalafto ama kacdo

Sababaha keenaya in Sri Lanka ay qarka u saaran tahay inay musalafto ama kacdo

daajis.com:- Masuuliyiinta dalka Sri Lanka ayaa Jimcihii maanta amray in la xidho iskuulada dalkaas, arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalkaas ay soo foodsaartay shidaal yari aad u daran iyo weliba dhaqaale xumidii ugu darnayd ee dalkaas haleesha muddo tobanaan sano ah.

Wasaaradda Maamulka Dadweynaha ayaa sidoo kale ka codsatay shaqaalaha dawladda - marka laga reebo kuwa haya shaqooyinka muhiimka ah – inaanay shaqada iman maanta oo Jimce ahayd. Haddii aan wax isbedelin, Sri Lanka ayaa laga cabsi qabaa inay maalmaha soo socoto ay noqoto shidaal la’aan.

Dawladda ka dhisan Sri Lanka ayaa bilihii u dambeeyey waxay la daalaa dhacaysaa sidii ay u heli lahayd lacag ay ku iibsato Shidaalka, Gaasta iyo agabka kale ee muhiimka ah ee dalkaas looga baahan yahay, haddii aan dalkaasi helin taageero dhaqaale waxaa looga cabsi qabaa inuu dalkaasi musalafo ama kaco.

Dhaqaale xumada soo wajahday dalkaas ayaa keentay qalalaase siyaasadeed, waxaana bilaabmay mudaharaaddo xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda ka arimisa dalkaas.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey jiray iscasilaado joogto ah oo ay xilalka kaga tegayaan xubno ka tirsan dawladda, hase ahaatee madaxweyne Gotabaya Rajapaksa ayaa Jimcihii maanta dhaariyey illaa sagaal wasiir oo cusub, isaga oo isku dayaya inuu xasiliyo dawladdiisa. Wasiirada cusub ayaa isugu jira afar xildhibaan oo madax banaan, saddex ka tirsan xisbiga talada haya iyo labo ka mid ah mucaaradka ugu weyn dalkaas.

Madaxweynaha Sri Lanka ayaa bishii hore ee April, wuxuu wadahadalo la yeeshay hoggaanka xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaas, ee lagu magcaabo United People’s Force, hase ahaatee xisbigaas ayaa iska diiday dalabka uga yimi madaxweynaha.

Muddo bilo ah, waxaa dadka reer Sri Lanka ay u adkaysanayeen xaaladda dhaqaale xumo ee dalkaas ka jirta, iyaga oo safaf dhaadeer ugu jiray inay iibsadaan waxyaabaha daruuriga ee ay u baahan yihiin, kuwaas oo intooda badan laga keeno wadamada debedda.

Dalka Sri Lanka wuxuu hakiyey bixinta deymo lagu leeyahay oo gaadhayey illaa $25 billion oo dollar oo loogu talo galay inay bixinteeda ku dhamayso illaa sannadka 2026, taas oo ay ahayd inay sannadkan bixiso illaa $7 billion oo dollar. Wadarta guud ee deymaha lagu leeyahay dalka Sri Lanka ayaa gaadhay illaa $51 bilyan oo dollar.


Wasaaradda maaliyadda ee dalkaas ayaa sheegtay inay haysato oo keliya illaa $25 million oo odollar oo ah kayd lacageed oo la isticmaali karo oo u yaalla baananka debedda.

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada