Somaliland oo dil ku xukuntay sarkaal dilay gabar arooskeeda isku diyaarineysay.

Somaliland oo dil ku xukuntay sarkaal dilay gabar arooskeeda isku diyaarineysay.

daajis.com:- Maxkamadda Ciidamadda Milatariga ee Somaliland ayaa goordhow xukun dil ah ku riday Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda Milatariga, kaasoo loo heysto dilka gabar dhalinyara eheyd oo toogashadeeda xiisad uu ka abuuray gudaha Somaliland.

Sida lagu sheegay go’aanka Maxkamadda, Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac ayaa lagu riday xukunkan toogahsada ah, isagoo dusha u ritay dilka Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland, dilka haweeneydan wuxuu geystay 3-dii bishan xili habeen eheyd.

Arrinta argagaxa leh ayaa ah in Haweeneyda la toogtay xili ay u sooctay dukaan ay dooneysay iney ka asoo adeegato, iyadoo isu diyaarineysay guurkeeda oo malamo kooban uu ka harsanaa xiliga la toogtay kahor, waana taas sababaha soo dadajiyay in go’aanka deg dega ah ay qaadato Maxkamadda Ciidamadda Milatariga ee Somaliland.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Goobta Maxkamadeynta Sarkaalka dilka geystay ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga Somaliland, ehelada Marxuumada iyo Sarkaalka xukunka lagu riday iyo dad kale, Dhawaan Ehellada Marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal ayaa Xukuumadda Somaaliland ka codsaday inay cadaalad u helaan dilka Gabadhooda, taas oo uu dambeyn loo fuliyay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada