Xasan Sheekh oo Baydhabo gaaray iyo kulamo ka socda xarunta madaxtooyada.

Xasan Sheekh oo Baydhabo gaaray iyo kulamo ka socda xarunta madaxtooyada.

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayay ayaa goordhow gaaray magaalada Bayshabo ee caasimadda KMG-ka u ah maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Xasan Sheekh oo ay kamid yihiin taliyaha ciidanka Xoogga dalka,xubno kamida labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale waxaa garoonka Shaati Guduud ku soo dhaweeyay madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo xubno kale.

Sida wararku sheegayaan, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro xarunta cusub ee madaxtooyada loo dhisay, Mudane Xasan ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka oo uu kala hadli doono sidii ay si dhaw u wada shaqeyn lahaayeen.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu maalmaha soo socda safar ku kala bixiyo xarumaha dowlad goboleedyada, Baydhabo waxaa qorshaha xiga u ah madaxweynaha magaalada Dhuusa-mweeeb ee caasimadda maamulma Galmudug.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada