Xasan Sheekh oo la kulmay safiirada dalalka Qatar iyo Sucuudiga.

Xasan Sheekh oo la kulmay safiirada dalalka Qatar iyo Sucuudiga.

daajis.com:- Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay safiirada dalalka Qatar iyo Sucuudiga, iyadoo labadan dal uu ka dhexeeyo loolan la xiriira dalkan.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu horeyn la kulmay safiirka dowladda Sucuudiga, iyadoo Kulanka uu ahaa salaan iyo Hambalyo waxaana safiirka uu madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la kulmay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem oo salaan iyo duco ugu yimid madaxweynaha, waxaana uu ugu hambalyeeyay, guusha uu ka gaaray, doorashadii ka dhacday magaaladda Muqdisho ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay .


Si kastaba, Shantii sano uu xafiiska fadhiyay madaxweynaha xukunka ka sii degaya Farmaajo ayaa waxa uu si aad ah u soo dhaweystay dowladda Qatar, isagoo fogeetay boqortooyada Sucuudiga, lama oga sida ay noqon doonto sitaasada madaxweyne Xasan uu ku wajihi doono dalalka khaliinka loolan dhinaca juqraafiga siyaasadeed ee dalkan ah uu ka dhaxeeyo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada