Ra’iisul wasaarihii Pakistan Imran Khan oo sheegay inuu socdo qorshe lagu dilayo

Ra’iisul wasaarihii Pakistan Imran Khan oo sheegay inuu socdo qorshe lagu dilayo

daajis.com:- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu khaarijinayo, isagoo falkaasina ku eedeeyay iney wadaan wadamada reer Galbeedka iyo Mareykanka, taasoo loogu ciqaabayo safarkii uu ku tagay Ruushka iyo qaadashada siyaasadda dhex dhexaadnimada ku saleysan.

“Gudaha Pakistan iyo weliba meelo debedda ah, ayaa la iigu maleegay shirqool khaarajin ah” sidaas waxaa sheegay ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay magaalada Faisalabad.

Waxa uu ku hanjabay in la baahin doono muuqaal sir ah uu duubay kaasoo ay ku cad yihiin cida qorshaha dilkiisa maleegeysa iyo waxa lagu heysto, isagoo tilmaamay iney dhawaan qaban doonaan banaanbax weyn oo looga soo horjeedo go’aankii baarlamaanka uu ku riday iyo u diyaar garowga doorashooyinka soo socda.

“Waxaan hayaa fariin muuqaal ah oo aan duubay, waxaanna ku hayaa meel ammaan ah. Haddii ay wax igu dhacaan, Ilaahay innaguma keenee, waxaa la sii baahin doonaa muuqaalkan duuban, halkaas oo aan ku faahfaahinayo dhammaan dhinacyada ku lugta lahaa isku dayga la doonayey in la igu khaarajiyo”  ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kalena, Dowladda Mareykanka oo ka jawaabtay eeda Imran Khan  ayaa beenisay, iyadoo eedahaasina sal uga dhigtay mid la doonayo in hoos loogu dhigo xiriirka ay la leeyihiin dowladda Pakistan.


“Ma aqbalayno dacaayadaha, macluumaadka khaldan iyo in war-xumo-tashiilku uu carqaladeeyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee aan la leenahay Pakistan, oo ah mid aad u wanaagsan” sidaas waxaa yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka Ned Price.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada