Xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyey

Xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyey

daajis.com:- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.

Haddii guddiga uu dhaqan-geliyo jadwalkan, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

Doorashadan ayaa waxaa u taagan in ka badan 20 musharax, oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya inay xilka kala wareegaan madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si rasmi ah u shaacin inuu yahay musharax madaxweyne, inkasta oo aad loo rumeysan yahay inuu mar kale tartami doono kadib in ka badan 5 sano oo uu joogay xafiiska Villa Somalia.

Dhinaca kale, Senator Cabdiqani Geele Maxamed ayaa ku guulaystay xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya kadib codeyn uu sameeyey guddiga.

Senator Cabdiqandi ayaa helay codad gaaraya 10 cod, halka labadii musharax ee xilka kula tartamay ay kala heleen shan cod, oo uu helay xildhibaan Maxamed Axmed Beereey iyo Senator Cabdi ismaaciil Samatar oo helay laba Cod.


Guddiga ayaa sidoo kale xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed u doortay guddoomiye ku-xigeenka guddiga isaga oo helay sagaal cod, halka xildhibaan Maxamed ibraahim Macalimoow oo la tartamayna uu helay toddoba cod.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada