Canada:- Yaa ku guuleystay doorashadii gobolka Ontario ee dalka Canada?

Canada:- Yaa ku guuleystay doorashadii gobolka Ontario ee dalka Canada?

daajis.com:- Xisbiga Progressive Conservative ee gobolka Ontario ee dalka Canada, ayaa si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashada gobolka Ontario ee natiijadeeda lagu dhawaaqay goor dambe ee xalay, kaasoo helay 83 kursi oo kamid ah 124-ka kursi ee guud ahaan kuraasta baarlamaanka gobolka Ontario.

Doorashadan ayaa aheyd tii 43-aad oo baarlamaani ah, taasoo hoggaamiyaha xisbigiisa hela kuraasta ugu badan uu noqonayo madaxa gobolka.

Tan ayaa ka dhigan in Doug Ford oo ah madaxa xisbiga Progressive Conservative-ka uu markale soo dhisi doono, dowlad aqlabiyad ah oo gobolkaasi ka talisa afarta sano ee soo socota.

Xisbiga NDP oo helay 31 kursi ayaa xirtay booska labaad, taasoo markale ka dhigeysa xisbiga mucaaradka rasmiga ah ee gobolka Ontario.


Xisbiga Liberal-ka oo maalmihii u dambeeyay ra’yi ururin la sameeyay lagu sheegay inuu kor usoo kacayo, ayaa dharbaaxo kulul kala kulmay doorashada, iyagoo helay 8 kursi oo kaliya.

Hoggaamiyaha xisbigaasi Liberal-ka, Steven De Duca ayaa xitaa kusoo bixi waayay kursigiisa xihibaannimo, isagoo durba iska casilay hoggaaminta xisbiga.

Sidoo kale Andrea Horwath, hoggaamiyaha xisbiga NDP ayaa iska casishay hoggaamiyannimada xisbiga, walow ay kusoo baxday xildhibaannimada kursigeeda ee xaafadda Hamilton Centre.

Dhanka Soomaalida, xildhibaan Faysal Xasan oo afartii sano ee lasoo dhaafay xildhibaan ka ahaa xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee York South-Weston ayaa laga guuleystay, isagoo helay 10,327 cod u dhiganta 34%.

Michael Ford oo ka guuleystay Faysal ayaa helay 11,101 cod oo u dhiganta 36.6%, isagoo noqonaya xildhibaanka xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto afarta sano ee soo socota. Waxaa labada murashax u dhaxeeyay 774 cod.

Micheal Ford ayaa kasoo jeeda qoys siyaasadda caan ku ah, adeerkiis Doug Ford ayaa markii labaad noqonaya madaxa gobolka Ontario, halka adeerkiis kale Rob Ford uu muddo ahaa duqa magaalada Toronto.

Soomaalida ayaa nasiib darro ku tilmaamay guul-darrada Faysal Xasan, balse waxey rumeysan yihiin in uu dhiirragaliye u noqday dhallinyarada Soomaalida ee ku dhashay ama ku koray Canada, kuwaasoo uu u iftiimiyay inay qeyb ka noqon karaan siyaasadda dalkaasi Canada.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada