Madaxweyne dalka Ukraine ayaa sheegay in Ruushku qabsaday, 20% dhulka Ukraine

Madaxweyne dalka Ukraine ayaa sheegay in Ruushku qabsaday, 20% dhulka Ukraine

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay qabsadeen qiyaastii 20% dhulka Ukraine iyada oo maalinta berri ee Jimcaha ah ay u buuxsamayso maalintii 100aad ee ay ciidamada Ruushku wadaan duullaanka ay ku soo qaadeen dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine oo Khadka isgaadhsiinta ee la iska arko khudbad ugu jeediyey baarlamaanka Luxembourg ayaa sheegay in Ruushku uu dagaal joogto ah ka wado bariga dalka Ukraine, gaar ahaan dhul cabbirkiisu le’egyahay illaa kun kiiloomitir. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhulka haatan gacanta ugu jira ciidamada Ruushku inuu le’eg yahay dhul baaxad ahaan u dhigma bedka dalka Holland.

Madaxweyne Zelensky ma uusan sheegin inta uu le'eg yahay dhulka uu Ruushku qabsaday, tan iyo markii uu billowday duullaankiisu bishii February 24-keedii.

Moscow waxay qabsatay Jasiiradda Crimean ee Ukraine sannadkii 2014-kii, sidoo kale jabhado goonni u goosad ah oo Ruushku uu taageero ayaa qabsaday qaybo ka mid ah gobolka Donbas ee ku yaalla dhinaca bari ee dalka Ukraine.

Ukraine ayaa sheegtay Khamiistii maanta in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen 20 magaalo iyo tuulooyin yar yar oo ka tirsan gobolka Kherson oo ku yaalla qaybta koonfureed ee dalkaas. Dhanka kalena, ciidamada Ruushka ayaa sii waday weerarka ay ku hayaan Sievierodonetsk, oo ah magaaladii ugu dambeysay uguna weyneyd gobolka Luhansk ee ku jirtay gacanta Ukraine ay Ukraine.


Barasaabka gobolka Luhansk Serhiy Haidai ayaa sheegay in Ruushku uu gacanta ku hayo 70% magaalada, iyadoo dagaallo culus ay ka dhaceen waddooyinka.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP, Reuters iyo AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada