Daawo:- Fahad oo Mahad Salaad ku eedeeyey isku dayga dil ee ra’iisul wasaare iyo lix kiis oo xasaasi ah

Daawo:- Fahad oo Mahad Salaad ku eedeeyey isku dayga dil ee ra’iisul wasaare iyo lix kiis oo xasaasi ah

daajis.com:- Taliyihii hore ee hey’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa taliyaha cusub ee hay’adaas Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa wareysigiisa mudadaan socday ku sheegay in Mahad Salaad uu yahay nin u shaqeeyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana u fududeeyo howlaha ay ka fuliyaan Muqdisho iyo Soomaaliya.

Dilalka iyo qaraxyada uu Fahad Yaasiin ku eedeeyey inuu Mahad Salaad ka dambeeyo ayaa waxaa kamid ah:

1- Dilka ra’isul wasaare:

Fahad Yaasiin ayaa agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ku eedeeyey inuu isku dayey inuu dilo mid ka mid ah ra’isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya, oo uu hadda sheegay inuu nool yahay balse uu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa.

“Ra’isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya mid kamid ah inuu dilo ayuu isku dayey iyadoo ay Al-Shabaab isticmaalayaan, aniga markaan xogta helay ra’iisul wasaarahaas ayaan wacay, waxaan ku yiri Mahad Salaad iyo qof la socdo makuu imaanayaan? Haa, ayuu igu dhahay, ha qaabilin ayaan ku dhahay, farqiga u dhaxeeyana waxay aheyd 25 daqiiqo, daqiiqadahaas aan aniga soo dhex galay ayuu ku badbaaday,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Mar la waydiiyey inuu sheego ra’iisul wasaarahaas magaciisa, ayuu sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn inuu sheego.

2- Inuu qaraxyo usoo diyaariyey kulanka ay yeelan lahaayeen labada gole ee baarlamaanka.

Fahad Yaasiin ayaa Mahad Salaad ku eedeeyey inuu sameeyey qorsho qaraxyo looga fulin lahaa kulan ay yeelan rabeen labada aqal ee baarlamaankii hore ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Wuxuu qorsheeyey oo uu Al-Shabaab kala shaqeeyey oo Mahad Karataay oo ninka uu u shaqeeya ah kala shaqeeyey meeshaas in laba baabuur lasoo geliyo oo madaxdii qaranka la qarxiyo, way nool yihiin tafaasiisha ma siin, laakiin guddoomiye Cabdixaashi taleefoon ayaan u diray waxaan ku iri berito kulankaas hala baajiyo sababo amni darteed, Maxamed Mursal baan taleefoon u diray, waxaan ku yiri kulankaas hala baajiyo, madaxweynahana sidaas oo kale ayaan ugu sheegay weliba Farmaajo tafaasiisha dhan waan siiyey,” ayuu yiri Fahad.

Fahad ayaa xusay in digniinta uu bixiyey awgeed loo baajiyey kulankii ay yeelan lahaayeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

3- Dilka  taliyihii NISA ee Dhuusamareeb

Fahad Yaasiin ayaa agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka taliyihii NISA ee Dhuusamareeb oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb.

“Mahad Salaad ayaa dilkaas qorsheeyey isaga ayaana dilay, Qooje Yare ayaa la yiraahdaa waa taliyihii NISA ee Dhuusamareeb, waa nin dhalinyaro ah oo caqli badan oo dagan oo qiimo leh ayuu ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

4- Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xill uu halkaas tagayey Ra’iisul Wasaaraha.

“Isagaa ka dambeeyey oo qaraxaas fuliye, waxaana lagu dilay taliyihii ciidamada Militariga ee Galmudug oo isna la oran jiray Qooje, iyo laba sarkaal oo sar sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaan loogu talagalay in qaraxaas lagu laayo dhammaan mas’uuliyiinta, waana xaqiiq leh marqaati oo aan sheegi karno dadkii kala shaqeeyey,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Mar weriyaha uu weydiiyey in goobta qaraxaas uu ka hadli lahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuu Fahad ku raacay sidaas, isagoo xusay in la rabay in dad baan halkaas lagu laayo.

5- Hoobiyaal lagu garaacay Muqdisho

Fahad Yaasiin ayaa Mahad Salaad ku eedeeyey inuu isaga ka shaqeyn jiray hoobiyaashii lagu garaaci jiray magaalada Muqdsho ee Caasimadda Soomaaliya.

“Hoobiyaashii lagu garaaci jiray Muqdisho waxaa gadi jiray Mahad Salaad, isagaana meesha laga soo ridi jiray kasoo riday, wuu ogaa Mahad Salaad inaan anaga ognahay inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, laakiin wuxuu ku gamban jiray xasaanadda uu heysto ee xildhibaanimada ah,” ayuu yiri Fahad oo u muuqday nin xanaaqsan.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fududaaday inuu Mahad Salaad u magacaabo taliyaha NISA isagoo ku tilmaamay inuu yahay cadowgii laga ilaalinayey.





“Nasiib darro iyo calool xumo iyo dhibaato ayey ku tahay in hay’addii Nabad-Sugidda qaranka loo dhiibo nin dhibaato ku ah amniga, waxaan ku sifeyn karaa fadeexadii qarniga dhacday inay tahay,” ayuu yiri Fahad.

6- Weerarkii Villa Somalia

Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale ku eedeeyey Mahad Salaad inuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia, intii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkiisii hore, balse wax faah-faahin ah kama bixin.

Ugu dambeyntii Fahad yaa sheegay inuu madaxwceynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu farriin ugu dhiibay qof ay saaxiibo yihiin markii uu maqlay in Mahad Salaad loo magacaabi rabo talyaha hay’adda uuna uga digay inuu tallaabadaas qaado, balse wuxuu sheegay inuu naxay markii uu maqlay warka sheegaya in Mahad Salaad xilka loo magacaabay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada