Dagaal xooggan oo ka dhacay Hiiraan iyo Jen. Odowaa oo faah faahiyay.

Dagaal xooggan oo ka dhacay Hiiraan iyo Jen. Odowaa oo faah faahiyay.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanka Qabdho oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegtay iney ku guuleysteen iney gacanta Shabaab ka fara maroojiyaan deegaanka, iyadoo uu jiro khasaare lixaad leh oo kala gaaray dhinacyada dirirta ay u dhexeysay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga dilay ku dhowaad 10 Xubnood, sidoo kalena laga bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha.

Majiro wax war ah oo kooxda Shabaab ay ka soo saartay weerarkan iyo jiritaanka khasaraha xooggan ee ay sheegeen saraakiisha ciidamadda dowladda, waxaana wali dhaq dhaqaaqyo ka wada aagii lagu diriray ciidamadda xoogga dalka.



Duulaankan ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Gudoomiyaha gobolla Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka dalbaday madaxweynaha cusub Xasan Sheekh iyo Wasaarada Gaashaandhigga iney ku dhaqaaqaan weeraro ka dhan ah Shabaabka ku sugan Hiiraan, lama oga in weerarkan uu jawaab u yahay dalabka gudoomiyaha Hiiraan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada