SAWIRRO: Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibedda USA oo Muqdisho timid, Yay la kulantay ?

SAWIRRO: Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibedda USA oo Muqdisho timid, Yay la kulantay ?

daajis.com:- Kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka, Victoria Nuland ayaa maanta booqasho ku timid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Victoria Nuland ayaa kulan la qaadatay Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Dalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ay ka wada-hadleen gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta saameeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa yiri “Waxaan maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya. Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta saameeyeen”

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador Lary Andre , madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimida iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada