Nuur Axmed oo Baaskiil ku tagay Sacuudiga si uu u guto Waajibaadka Xajka

Nuur Axmed oo Baaskiil ku tagay Sacuudiga si uu u guto Waajibaadka Xajka

daajis.com:- Sannad walbo dhacdooyin cajiib ah ayaa laga soo wariyaa Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan magaalooyinka Barakeysan ee Makka iyo Madiina ay tagaan Malaayiin dad ah oo gudanaya Waajibaadka xajka .

Dhacdooyinka sannadkan lasoo warinayo ayaa waxaa kamid ah nin u dhashay dalka Afgaanistan oo lagu magacaabi Nuur Axmed ayaa go’aansaday in uusan diyaarad iyo gaari midna ugu safrin Sacuudiga balse ku tago baaskiil oo ka qaatay dalkiisa.

Ninkan ayaa la sheegay in uu iska diiday kharashaad dowladda Afganistan u ogoleyd si uu ugu tago Sacuudiga, waxa uuna ku adkeestay in safarkiisa u adeegsanayo baaskiil si uu ugu tago magaalooyinka barakeesan ee kuyaalla Sacuudiga.

“Waxaan doonayaa in baaskiilkayga aan ku safro, si aan u soo guto waajibkaas uu Alle i saaray,” ayuu yiri Nuur oo ka gaabsaday inuu aqbalo kaalmada ay u fidisay dowladda Afghanistan.

Nuur Axmed ayaa la sheegay in baaskiilkiisa horey u saartay raashin ku filan iyo dhar uu isticmaalo, waxaana la sheegay in ninkan jecleestay in baaskiilkiisa ku tago magaalooyinka barakeesan ee Makka iyo Madiina .

Ninkan u dhashay dalka Afganistan ayaa dal-ku-gal ka qaatay waddamada Iran iyo Ciraaq uu sii marayo maadaama dalkiisa xuduud la laheyn Sacuudiga, waxa uuna ninkan dhiiro galinayaa in Sacuudiga lagu tagi karo habab badan si loo soo xajiyo.


Sannadkan waxaa fursad u heli doona gudasha acmaasha xajka hal milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo dibedda Sacuudiga, waxaana labadii sanno ee lasoo dhaafay Xajka aysan tagin dad badan sababo la xariira cudurka Covid-19.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada