Koox hubeysan oo Afgooye ku dishay Kormeerihii Waxbarashada Shabeellaha Hoose

Koox hubeysan oo Afgooye ku dishay Kormeerihii Waxbarashada Shabeellaha Hoose

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil barqanimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye, kaasoo loo geystay mas’uul ka tirsanaa maamulka Koofur Galbeed.

Mas’uulka la dilay ayaa ahaa Kormeerihii Waxbarashada Koofur Galbeed u qaabilsanaa Gobolka Sh/Hoose, kaasoo lagu magacaabi jiray Cali shanloow, sida saraakiil laamaha amaanka ah ay xaqiiniyeen.

Sida wararku tilmaamayaan, koox dhalinyara ah oo Bistoolado ku hubeysan ayaa ku dishay isagoo ka soo baxay hoyga uu ka dagan yahay xaafada xaawataako ee Degmada Afgooye, wuxuuna u socday shaqadiisa maalinlaha ah.


Dilkiisa ayaa ku soo aadaya xili maanta meelo ay kamid tahay Afgooye ay ka bilowdeen qaadista Imtixaanka Shahaadiga dugsiga sare ee diyaariso Wasaarada Waxbarashada, iyadoo imtixaanka sanadan ay u fariisteen 35-Kun oo Arday, Cali Shanlow wuxuu kamid ahaa dadka Koofur Galbeed u xilsaaran la socoshada Imtixaankan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada