Kooxo budhcadda Internetka ah oo madaxfurasho u haysta adeegyada isgaadhsiinta dawladda Costa Rica

Kooxo budhcadda Internetka ah oo madaxfurasho u haysta adeegyada isgaadhsiinta dawladda Costa Rica

daajis.com:- Dalka Costa Rica ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey wuxuu la daalaa dhacayaa weeraro dhinaca internetka ah, kaas oo kooxaha weerarka geysanayaa ay la wareegeen baraha internetka ee qaar ka mida xafiisyada dawladda iyo weliba xarumo gaar loo leeyahay kuwaas oo bixin jiray adeegyo kala duwan oo bulshadu u baahan tahay.

Weerarada dhinaca internetka ayaa sababay in dawladdu ay bixin kari weydo mushaharaadkii macalimiinta, waxay curyaamiyeen nidaamkii cashuuraha, halka saraakiisha caafimaadkuna ay awoodi waayeen inay helaan diiwaanada caafimaad ee bukaanada oo ay ku jiraan dadka qaba xanuunka COVID19.

Madaxweynaha dalka Costa Rica ayaa ku dhawaaqay in dagaalka dhinaca internetka ee lagu jabsanayo aaladaha isgaadhsiinta ee dalkaas inay halis geliyeen geeddi socodkii dalka, ayna kooxaha ajnebiga ah ee weeraradan ka dambeeyaa ay doonayaan inay afgembiyaan dawladda dalkaas ka dhisan.

Weerarada madaxfurashada ah ee lagu qaaday dalka Costa Rica ayaa guud ahaan Khalkhal geliyey nolol maalmeedkii dalkan ku yaalla badhtamaha Ameerika. Weeraradan ayaa lagu eedaynayaa inay ka dambeeyaan kooxo maafiyo ah oo fadhigoodu yahay dalka Ruushka, waxaana kooxahani ay bartilmaameedsanayaan wadamada aanay horumarsanayn difaaca ay kaga hortegi karaan weerarada dhinaca internetka.

Dalka Costa Rica oo saaxiib dhow la ah Maraykanka, ayaa filaya in Maraykanku uu ka gacan siin doono sidii looga hortegi lahaa weeraro sidan oo kale ah oo uga yimaadda kooxaha budhcadda ee fadhigoodu yahay dalka Ruushka.


Maraykanka laftiisa ayaa la kulma weeraro joogto ah oo uga yimaadda kooxaha budhcadda ee internetka ka dhisan, waxaana sannadkii hore ay weeraro madaxfurasho ah ku qaadeen dhuumaha shidaalka qaada eek u yaalla xeebaha bari ee dalka Maraykanka, iyagoo sidoo kale ku khasbay inay shaqada hakiso wersheddda ugu weyn dunida ee hilibka soo saarta.

Associated Press






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada