Ruushka oo duqeeyay Kyiv iyo Kharkiv xili G7 uu shir uga socdo Bavarain Alps.

Ruushka oo duqeeyay Kyiv iyo Kharkiv xili G7 uu shir uga socdo Bavarain Alps.

daajis.com:- Dawladda Ruushka ayaa weerar cusub oo dhinaca gantaallada ah ku qaadday labada magaalo ee ugu waaweyn dalka Ukraine; waa magaalada Kyiv ee xarunta dalka iyo magaalada kale ee Kharkiv.Weerarkan ayaa dhacay iyada oo xitaa ay dalalka ku jira ururka G7 ay wadahadal ku lahaayeen Bavarain Alps si ay iskula meel dhigaan sidii ay Ruushka u sii go’doomin lahaayeen.

Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa sheegay in ugu yaraan labo dhisme oo ah kuwa la deggan yahay la duqeeyey, halkaas oo ugu yaraan hal qofi uu ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacantay.

Ruushka ayaa xoojiyey adeegsigiisa gantaalada cruise-ka, isaga oo beegsanaya ilaa woqooyi-galbeed Ukraine. Qalabka digniinta ayaa ka dhawaaqay dhowr magaalo.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo arrintan ka hadlayey ayaa yiri “Waa wuxuushnimadoodii oo sii korodhay.”

Weerarka Ruushka ee Ukraine ayaa ah arrinta ugu weyn ee shir-madaxeedka dalalka G7 culeyska lagu saarayo. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Sabtidii sheegay in shirka uu Isniinta maanta ah ka qeyb gali doono.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa iyo dalalka kale ee G7 xubnaha ka ah ay joojin doonaan inay soo dhoofsadaan dahabka Ruushka. Waa cunaqabateyn tii u dambeysay ee Ruushka la saaro ka dib dagaalkii uu ku qaaday Urkaine, kaas oo galay bishiisii shanaad.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada