Safiirka Soomaaliya ee dalka Serbia oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Soomaaliya ee dalka Serbia oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, waxaana Danjire Maxamed Cabdullaahi uu La wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa soo bilowday 62-sanno ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer.

 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada