Wararkii u danbeeyay dilka taliyihii booliska magaalada Qardho.

Wararkii u danbeeyay dilka taliyihii booliska magaalada Qardho.

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka ka dhacay magaalada Qardho, kaasoo loo geystay sarkaalkii ugu sareeya ciidamada booliska ee magaalada.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumar Hiiraad Kaatuun ayaa ahaa taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Waxaana dilkiisa geystay koox cabtooy ah oo daroogo isticmaasha oo uu doonayay inuu xir xiro, xiliga la dilayay waxaa la sheegay inuu ku jiray howlgal.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka marxuumka inkastoo uusan faahfaahin dheeriya ka bixin sida wax u dhaceen iyo waxa dilka loo adeegsaday.

Wararka la helayo waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah dadka loo heysto falkan, halka kuwo baxsadayna ay ku raad joogaan hay’adaha amniga, waxaa sidoo kale socda qaban qaabada aaska Cumar Hiiraad Kaatuun taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada