Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Muqdisho.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay lagu qaaday hoyga uu Muqdisho ka degan yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Xildhibaanka la weeraray oo lagu magacaabo Jibriil C/rashiid Xaaji oo laga soo doortey degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka badbaaday weerarkan oo lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhaawacyo ku kooban oo soo gaaray ilaalada xildhibaanka, kuwaasoo loola cararay xarumaha caafimaadka si loogu dabiibo, askarta ayaa la sheegay in qaarkood ay xaaladooda adag tagay.


Taliyaha booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo ilaaladiisa ayaa daqiiqado kadib tagay halka weerarka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, walow ay ku guul dareysteen iney gacanta ku soo dhigaan dambiilayaashii falkan geystay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada