Wararkii u danbeeyay kulan madaxtooyada Garoowe ku dhexmaray Deni iyo Karaash.

Wararkii u danbeeyay kulan madaxtooyada Garoowe ku dhexmaray Deni iyo Karaash.

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku yeeshay kulan ay ku dhameystirayeen xalka khilaaf todobaadyadii la soo dhaafay u dhexeeyay.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii meesha looga saari lahaa madmadowga dhinaca sharciga ah ee soo kala dhex galay labadan mas’uul, iyagoo isla qaatay sidii loo dar dar galin lahaa shaqooyinka dowladda oo intii khilaafka jiray gaabis ku yimid.

Arrimaha lagu heshiiyay waxaa qeyb ka ah in Agaasimayaasha qaar uu shaqada ka joojiyay Axmed Karaash la qaato, qashin qubkana lagu daro wareegtadii uu Karaash ku sheegay inuu shaqada uga joojiyay Wasiirada Maaliyada,Arrimaha gudaha iyo Amniga, madaxtooyadana ay baahiso shaqooyinka maalin laha ah ee madaxweyne kuxigeenka oo bogaga madaxtooyada laga joojiyay mudadii uu khilaafka taagnaa.

Madaxweynaha maamulma Puntland Siciid Deni oo ka qeyb galay doorashada 15-kii bishii hore ka dhacday Muqdisho oo uu natiijo la’aan ka keenay ayaa kadib u duulay Nairobi, halkaasoo uu mudo laba todobaad ah ku sugnaa, isagoo ugu danbeyna shalay dib ugu laabtay Puntland.

Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada