Guddoomiyaha Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay sababta iscasilaadiisa.

Guddoomiyaha Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay sababta iscasilaadiisa.

daajis.com:- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa banaanka keenay xogta ka danbeysa inuu qaato go’aan ah inuu iska casilo xilkii uu hayay, xili bilo yar ay ka harsan tahay waqtiga lagu balamay in la qabto doorashada.

Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-raac) ayaa sheegay inuu isu casilay sabab la xiriirta khilaafka daba dheeraaday ee ka dhex jira gudaha guddiga doorashooyinka Somaliland oo dhowr jeer xalkeeda lagu guul dareystay.

Waxa uu dhinaca kale meesha ka saaray wararka la xiriira inuu shaqada uga tegay culeys uga yimid xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanada xisbiyada mucaaradka ee kala ah WADANI iyo UCID.

“Waxa sababay is casilaadda waxa ay ahayd khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo ka dhex jira Komishinka, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay in aan is casilo, sidaas awgeed aniga ayaa isku casilay” Ayuu yiri Cabdirashiid (Riyo-raac).

Si kastaba, Doodda ka dhalatay Doorashada guud ee Somaliland oo ku asteesan 13ka November 2022 ayaa meel sare gaartay, Xukuumadda ayaa u muuqata in ay ka caga-jiideyso dardargelinta iyo diyaargarowga Doorashada halka Mucaaradka uu muddo kororsi ku eedeeyay Muuse Biixi.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada