Bajaajleyda Muqdisho oo ka cabaneysa amarkii ka soo baxay dowaladda.

Bajaajleyda Muqdisho oo ka cabaneysa amarkii ka soo baxay dowaladda.

daajis.com:- Wadayaasha Mooto Bajaajta ee ka shaqeysta magaalada Muqdisho ayaa walaac xooggan ka muujiyay amarkii shalay ka soo baxay booliska ee lagu macnuucay in 12:00 saqda dhexe wixii ka dambeeya aanan la arki karin Mooto Bajaaj dhex socota gudaha magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi oo kamida dhalinyarada ku shaqeysata wadista mootada ayaa tilmaamay in xiliga bandowga ay eheyd waqtiga ugu shaqada badan, wuxuuna dowladda ka dalbaday iney dib uga laabato amarkii ay soo rogtay, kaasoo durba xalay ka dhaqan galay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

“Dhibaato ayay nagu tahay amarka kasoo baxay dowladda sababto ah maalin aniga ma jecli inaan shaqeeyo oo wadooyinka dhan ayaa mashquul ah hal dolar ba qofka ku qaade maalintii hal saac iyo ka badana jaam ayaa lagu jiraa marka xabo lagama faa’idayo shaqada maalintii, habeenkiina waa cidlo macamiisha aan leyahayna habeenkii ayaan qaadi jiray oo waxay u badnayeen kuwa hotelada, Maqaayadaha ka shaqeeya iyo kuwa qurba joog ah” ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Waxa uu dhinaca kale beeniyay in amni darada ka jirta xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ay masuul ka yihiin wadayaasha Mooto Bajaajta, isagoo laamaha amaanka ku dhaliilay iney qeyb ka yihiin falalka amni daro, maadaama ay iyagu gabeen shaqadoodii.

Si kastaba, Taliska Booliiska Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in gabi ahaanba baabuurta yar yar ee loo yaqaano bajaajta, aysan shaqeyn karin wixii ka danbeeya 12-ka habeenimo ee Saqda Dhexe, Afhayeenka booliiska Cabdifataax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay, ayaa carabka ku adkeeyey in tallaabo laga qaadi doonno Bajaajtii lagu helo iney shaqeyso wixii xiligaas ka danbeeya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada