Biden says he raised the murder of journalist Khashoggi in his meeting with Mohammed bin Salman

Biden says he raised the murder of journalist Khashoggi in his meeting with Mohammed bin Salman

daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa laga helay cudurka coronavirus subaxnimadii Khamiista isagoo lagu arkay astaamo fudud sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

Jean-Pierre waxa ay sheegtay in Biden uu bilaabay qaadashada Paxlovid oo uuna isku go’doomi doono Aqalka Cad, isagoo raacaya tilmaamaha CDC.

“Biden wuxuu sii wadi doonaa inuu si buuxda u guto dhammaan waajibaadkiisa muddadaas,Wuxuu saaka telefoon kula xiriiray xubno ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad, wuxuuna ka qaybgeli doonaa kulamadiisa qorshaysan ee Aqalka Cad isagoo isticmaalaya taleefan iyo Zoom ka imanaya guriga.”ayay sii raacisay Jean-Pierre.

Waxay sheegtay in Waaxda Caafimaadka ee Aqalka Cad ay ku wargelin doonto dhammaan xiriirada dhow ee Biden inta lagu jiro maalinta Khamiista, oo ay ku jiraan xubno kasta oo Congress ka ah iyo xubin kasta oo ka tirsan warbaahinta oo la kulmay isaga intii lagu jiray safarka Arbacada.

Biden, oo 79 jir ah, ayaa si buuxda loo tallaalay, madaxweyne ahaanna waxa uu heli karaa qaar ka mid ah daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan adduunka.
Laakiin dadka da’da ah ayaa inta badan la kulma calaamado ka halis badan shakhsiyaadka da’da yar. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo ku sugan North Carolina ayaa lagu wadaa inay dhawaan hadasho.


Haddii Mr Biden uu awoodi waayo in uu shaqadiisa gudan waayo xanuun awgeed waxa la siin doonaa awood madaxtinimo Kamala Harris. Tani waxay dhacday wax yar bishii Nofambar markii Mr Biden la geliyey suuxinta guud intii lagu jiray hubinta caafimaad ee caadiga ah.

Mr Biden ma ahan madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo la kulma Covid hase yeeshee madaxweynihii ka horreeyay Donald Trump ayaa loo qaaday isbitaal ka dib markii uu ku dhacay fayraska Oktoobar 2020 isagoo xafiiska joogay. Waxaa jiray 89.7 milyan oo kiis oo Covid ah gudaha Mareykanka iyo in ka badan hal milyan oo dhimasho ah, sida ay sheegtay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC).






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada