Congo: 15 qof oo ku dhintay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay

Congo: 15 qof oo ku dhintay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay

daajis.com:- Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen laba maalmood oo mudaaharaadyo ka socdeen bariga dalka Congo, kuwaas oo looga soo horjeeday hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarta nabad-ilaalinta oo u dhashay Morocco iyo laba booliis caalami ah oo u dhashay Hindiya oo la dilay.

Sidoo kale nin booliis ah oo u dhashay Masar ayaa lagu dhaawacay saldhigga Qaramada Midoobay ee Butembo ee gobolka Waqooyiga Kivu markii "Weerarayaal rabshado wata ay hub ku furteen booliiska Congo" oo lagu toogtay shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Ku xigeenka af-hayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutrerdos uu si adag u cambaareeyay weerarkii lala beegsaday iyo rabshado lagu bartilmaameedsaday dhowr saldhig oo ay leedahay Qaramada Midoobay.

Haq, ayaa sheegay in Talaadadii "boqolaal gacan ku dhiiglayaal ah" ay weerareen saldhigyo ku yaalla magaalada Goma iyo qeybo ka mid ah waqooiga Kivu.


Haq wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan afar dhacdo lala beegsaday guryaha shaqaalaha howlgalka Qaramada Mdoobay, kuwaas oo hadda loo raray xeryaha Q.M, wuxuuna sheegay in dad shacab ah ayaa sidoo kale isku dayay in ay gudaha u galaan xarunta Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay Talaadadii, laakiin sida uu sheegay ay iska caabbin kala kulmeen ilaalada xaruntaas.

Booliska Congo ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof lagu dilay Goma Isniintii, iyo siddeed qof oo rayid ah oo lagu dilay Butembo, waxaana goor sii horreysay, afhayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya uu sheegay in ugu yaraan shan qof la dilay, ku dhawaad 50 kalena ay dhaawacmeen Isniintii.

AP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada