Somaliland oo muddo u qabatay in degaannadeeda isaga baxaan dadka Ajaanibta ah

Somaliland oo muddo u qabatay in degaannadeeda isaga baxaan dadka Ajaanibta ah

daajis.com:- Maamulka Soomaaliland ayaa ku amray in muddo 20 maalmood ah ay degaannadeeda isaga baxaan dadka Ajaanibta ah ee aan heysan sharciga, kuwaas oo ka Shaqeysta degaannada Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Laanta Socdaalka Somaliland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 28 /07/2022 ilaa 17/08/2022 dadka Ajaanibta ah ee sharci darrad kujooga Somaliland ay isaga baxaan, sidoo kalena shirkadaha, Hayadaha iyo Ganacsata ay ka hawlgalaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyaan oo qura ajaanib ka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).

Hoos Ka Akhriso qoraal kasoo baxay Laanta Socdaalka Somaliland

Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda somaliland wuxuu ku wargalinayaa Ajaanibka Sifo Sharci daro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo Labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022.

Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, Hayadaha iyo Ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).

Waxaa looga digaya goobta ganacsi, shirkad ama haayad ee lagu helo shaqaale bilaa sharci ku jooga dalka jamhuriyadda somaliland oo ka shaqeenaya, in laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan mulkiilaha goobtaas.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada