Daawo: Wariye Yahuudi ah oo si qarsoodi ah ku galay Makka iyo xiisad ka dhalatay

Daawo: Wariye Yahuudi ah oo si qarsoodi ah ku galay Makka iyo xiisad ka dhalatay

daajis.com:- Suxufi Israa’iili ah ayaa baahiyay muuqaal uu ka soo duubay magaalada Makka ee dalka Sacuudiga, isagoo iska indha tiray mamnuucidda dadka aan muslimiinta aheyn ee soo galaya magaalada barakeysan ee Islaamka.

Telefishinka Channel 13 ee laga leeyahay Israa’iil ayaa Isniintii sii daayey warbixin uu kasoo muuqday tifaftirahooda wararka adduunka Gil Tamari oo dhex wareegaya magaalada barakeysan, islamarkaasna soo duubayo meelo la yaqaano oo ku yaalla Makka.

Wariye Tamari ayaa muuqaal iska soo duubay isagoo dhaafaya Iridka qadiimiga ah ee Makka, kaas oo calaamad u ah halka laga soo galo magaalada, meesha laga mamnuucay inay dadka aan Muslimka ahayn soo galaan iyo halka laga galo Masjidka bareykan oo ah meesha ugu qiimaha badan Islaamka.

Sidoo kale, wuxuu sawir selfie ah isaga qaaday buurta Carafa oo ah buur ku taala duleedka magaalada Makka halkaas oo uu Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ka jeediyey khudbaddiisii ugu dambeysay, waana goobta ay isugu yimaadaan muslimiinta inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah.

Waxaa guud ahaan mamnuuc ka ah dadka aan muslimka ahayn inay soo galaan gudaha magaalada Makka iyo qeybo kamid ah magaalada barakeysan ee Madiina, haddii uu qofka aan muslimka aheyn isku dayo inuu galana wuxuu la kulmaa ciqaab ay kamid tahay ganaaxyo iyo masaafurin.

Aayad qur’aan ah ayaa looga mamnuucay Mushrikiinta inay galaan dhulka Xaramka:

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّمَا ٱلْمُشْرِكُونَ نَجَسٌۭ فَلَا يَقْرَبُوا۟ ٱلْمَسْجِدَ ٱلْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَـٰذَا ۚ وَإِنْ خِفْتُمْ عَيْلَةًۭ فَسَوْفَ يُغْنِيكُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦٓ إِن شَآءَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٌۭ ٢٨

Tamari wuxuu ka mid ahaa saddex wariye oo Israa’iili ah oo loo ogolaaday inay gudaha u galaan Sacuudiga si ay uga soo tebiyaan shirkii gobolka ee uu todobaadkii hore ka qayb-galay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Dhalaceyn ka dhalatay

Booqashada Tamari ee Makka ayaa si weyn looga dhaleeceeyey dhanka Internet-ka, waxaa haldhigyo looga dhigay qoraallada looga soo horjeestay “Yahuudda ku jirta Xaramka”, waxaana ereygaan adeegsaday dhowr qof oo Muslimiin ah oo baraha bulshada kaga hadlay dhacdadaan.

“Dadka sharafta leh ee Makkah iyo culimo waaweyn sida Caalimka la xiray ee Dr Musa Al-Shariif ayaa ku jira xabsiyada Sacuudiga, laakiin Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa wareegaysa magaalada Makkah,” ayuu mid kamid ah dadkii booqshadaan diiday  kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Booqashadan qarsoodiga ah waxaa cambaareeyay dad horey u taageersanaa Israa’iil oo uu ku jiro qoraaga Sacuudiga u dhashay ee Mohammed Sacuud, kaas oo booqday Israa’iil, taageerana u muujiyey caadi ahaanshaha is dhex galka Tel Aviv iyo dowladaha Carabta.

“Saaxiibadayda qaaliga ah ee reer Bani Israa’iil, mid ka mid ah wariyayaashiina waxa uu soo galay magaalada barakaysan ee Makkah, wuxuuna duubay muuqaal aan xishood laheyn,” Sacuud ayaa sidaas ku yiri muuqaal uu soo duubay oo ku baxay afka Cibraaniga.

“Taasi waxay la mid tahay aniga oo galaya Kaniisada oo akhrinaya Tawreed. Ceeb ha ku noqoto Channel 13, waa in aad ka xishootaan in aad diinta islaamka u xaqirtaan sidaas oo kale” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo dhaqdhaqaaqyo lagu caadiyeynayo xiriirka Israel.

Dhowr Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale dhaleeceeyay Tamari, iyaga oo ku sifeeyay “wax laga yaqyaqsado” waxayna ugu baaqeen Israa’iil inay ku wareejiso maamulka Sacuudiga.

Raali gelinta uu bixiyey Channel 13

Telefishinka Channel 13 ayaa sheegay inuu raali gelin ka bixinayo muuqaalka uu soo duubay Tamari haddii qof lagu ihaaneystay isagoo dhinaca kale difaacay warbixinta wariyahooda soo duubay.

“Booqashada tafatiraheena wararka adduunka Gil Tamari ee Makka waa guul saxafiyeed oo muhiim ah, taas oo aan loola jeedin in lagu xumeeyo Muslimiinta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Channel 13.

“Waan ka cudur daaraneynaa haddii qof la dhibay, balse waxaan caddeyneynaa in mabaadi’da saxaafaddu ay salka ku heyso in goob kasta la tago iyo in si toos ah loo diiwaan geliyo dhacdooyinka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Talaadadii, Tamari ayaa raaligelin kusoo gudbiyey baraha bulshada, isagoo sheegay in ujeedada muuqaalka ay tahay “si loo muujiyo muhiimadda Maka iyo quruxdeeda”.

Booqashadan ayaa daba socota safarkii ugu horreeyay ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isagoo madaxweyne ah xilli uu booqday Israa’iil iyo Sacuudiga, wuxuuna noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo si toos ah uga duulay Tel Aviv una socday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.


Biden waxa uu sheegay in maamulkiisu uu ka shaqaynayo in uu “sii qoto dheereeyo oo uu ballaariyo” la dhaqanka Israel ee dalalka Carabta, kadib markii maamulka Donald Trump uu dhexdhexaadiyay heshiisyadii u dhexeeyey Israa’iil iyo afar waddan oo Carbeed oo kala ah Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudaan iyo Marooko, oo xiriir sameystay.

Inkasta oo aanay Riyadh si rasmi ah u aqoonsanayn Israa’iil, haddana xiriirka labada dhinac waxa uu ahaa mid soo fiicnaanayo sannadihii u dambeeyay, dublamaasiyaddana waxa ay marar badan u dhacday si qarsoodi ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada