Kumanaan dagaalyahan oo horleh oo Al-Shabaab ah oo ka tallaabay xuduudda Itoobiya

Kumanaan dagaalyahan oo horleh oo Al-Shabaab ah oo ka tallaabay xuduudda Itoobiya

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya.

Cali Jeyte oo la hadlay idaacadda BBC ayaa sheegay in dagaalyahannada u gudbay Itoobiya lagu qiyaasay 200 oo dagaalyahan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaas ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka. “Markii aan dadka weydinayay, waxay noo sheegeen in illaa 200 nin ay ku dhaw yihiin dagaalyahanada ka gudbay xuduuda,” ayuu yiri.

Jeyte ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala qeyb galaan la dagaalanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee kusii qulqulaya xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay muddooyinkii dambe wadeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo uu ujeedkiisa ahaa in kooxdaan laga sifeeyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Warka kasoo baxay guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadaya xilli dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaarayo illaaa 400 askari oo watay gawaarida dagaalka ay ka gudbeen xuduuda Itoobiya ee dhanka Bakool, halkaasi oo dagala culus ay kula galeen ciidamada Liyuu Boolis.

War ay soo saartay xukuumadda deegaanka ayaa shalay lagu sheegay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Hargeelle isla markana khasarae xooggan la gaarsiyay Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.


Dagalamayaasha Islaamiyiinta ah ayaa in ka badan boqol kiilo mitir gudaha Dowlad Deegaanka u soo galay iyagoo ka soo ka  tallaabay xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada