Yemen: Toban qof oo ku dhintay roob mahiigaan ah

Yemen: Toban qof oo ku dhintay roob mahiigaan ah

daajis.com:- Roob mahiigaan ah oo Axadda maanta ah ka da’ay caasimadda dalka ay dagaalladu halakeeyeen ee Yemen iyo deegaannada u dhow dhow ayaa sababay daadad iyo guryo dumar iyadoo ay ku dhinteen ilaa toban qof oo ay ku jiraan safar caruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Afarta carruurta ah ayaa ku dhintay dhismaha dumay halka lixda qof ee kale ay ku dhinteen ka ddib markii gaarigii ay la socdeen uu daad ku qaaday degmo ku dhow caasimadda Sanca, sida ay sheegeen saraakiishu.

Roobka mahiigaanka ah ayaa sanad walba burbur lixaad leh u gaystay dalka Yemen, iyadoo kan u danbeeyay uu socday muddo toddobaad ah.

Isku socodka magaalada oo ay maamusho kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowladda uu Sacuudigu taageero ayaa gabi ahaanba joogsaday.

Colaadda Yemen oo bilaabatay 2014 una dhaxaysa Xuutiyiinta ay Iran taageerto iyo dowladda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun oo qof, iyadoo ilaa bishii April ay jirto xabad-joojinta.

yaman






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada