Ruushka iyo Masar oo ka wadahadlay iskaashi dhinacyo kala duwan ah

Ruushka iyo Masar oo ka wadahadlay iskaashi dhinacyo kala duwan ah

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Debadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa booqasho ku tegey dalka Masar isaga oo magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha dalka Masar Cabdil Fattax al-Sissi iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Sameex Shukri, si ay uga wadahadlaan qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin, dedaallada lagu soo afjarayo xiisadda ka taagan dalka Ukraine, tallaabada dib loogu soo celinayo dhoofinta sareenka ee Ruushka iyo Ukraine, heshiisyo ganacsi oo wadajir ah, colaadaha gobolka ka taagan iyo weliba inay ka wada hadlaan wershed tamarta Nukliyeerka ku shaqaysa oo Ruushku ka bilaabay inuu ka dhiso xeebta waqooyi ee dalka Masar.

Safarka wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka ayaa noqonaya lugtiisii ugu horraysay ee safaro uu ku gaalaa-bixin doono qaaradda Afrika. Dalalka Masar iyo Ruushka ayuu ka dhexeeyaa xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ku kacaya 4 illaa 5 billion oo dollar sannadkii, hase ahaatee waxaa ganacsigaas carqaladeeyey xanuunkii Covid19 iyo xiisadda dalka Ukraine, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelatay dhinaca dalxiiska, iibka sarreenka iyo dhoofinta tamarta.

Wasiirada arrimaha debedda ee Ruushka iyo Masar oo Axaddii shir jaraa’id ku wada qabtay magaalada Qaahira ayaa ku sheegay in labada dhinac ay ka shaqaynayaan sidii looga gudbi lahaa arrimo suaali ka taagnayd oo ka dhexeeyey labada dal.

Wasiirka arrimaha debedda ee Masar Sameex Shukhri ayaa sheegtay in colaadda Ukraine ay saamayn xooggan ku yeelatay heerka cunnada ee dalkaasi, baahideeda tamarta, ganacsigeedii debedda iyo weliba sicir bararka dalkaas ka jira. Wasiir Sameex Shukri ayaa sheegtay inay jeclaan lahayd in xiisadda Ukraine lagu soo afjaro xal diplomaasiyadeed.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada