Dadka Tunisa oo u codeynaya dastuur xoojinaya awoodaha madaxweyne Qays

Dadka Tunisa oo u codeynaya dastuur xoojinaya awoodaha madaxweyne Qays

daajis.com:- Dadka waddanka Tunisia ayaa Isniinta maanta ah u codeynaya dastuur loo arko inuu yahay afti kor u qaadeysa awoodda madaxweyne Kais Saied, kaas oo xafiiskiisa siin doonta ku dhawaad awoodo aan xadidnayn, kana horimaanaya nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkaas ka dhacay kadib kacdoonkii 2011-kii.

Codbixinta ayaa bilaabatay lixidii subaxnimo, iyada oo socon doonta ilaa 10:00 fiidnimo, iyada oo qiyaastii 11,000 oo gooboood oo codbixineed loo sameeyay aftidan.

Qiyaastii 9.3 milyan oo ka mid ah 12 milyan oo qof ee dadka rayidka ah ee dalka Tunisa ah oo da'doodu ka weyn tahay 18 sano ayaa si toos ah guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka ugu diiwaan geliyay inay codkooda dhiibtaan.

Waxaa codbixiyeyaasha ka mid ah ilaa 356,000 oo qurbajoog ah oo iyagu codeynta bilaabay Sabtidii.

Aftidan ayaa imaaneysaa sanad kadib markii madaxweyne Saciid uu shaqada ka eryay xukuumadii, uuna kala diray baarlamaanka, taas oo mucaaradku ku tilmaameen afgambi.

Tunisia ay la halgamaysay kiisaska coronavirus-ka ee kor u kacay, qalalaase siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

AP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada