Layaab Daawo: Fanaan Abshir Gaarane oo shaaciyey sababtii ka danbeysay inuu Shabaabnimo sheegto

Layaab Daawo: Fanaan Abshir Gaarane oo shaaciyey sababtii ka danbeysay inuu Shabaabnimo sheegto

daajis.com:- Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo dhibane u ah hey’adda Nabad Suigdda Soomaaliya ee NISA ayaa bixiyey wareysigii ugu dheeraa tan iyo markii xabsiga laga sii daayey sanadkii hore ee 2021-kii.

Sanadkii 2020-kii ayaa twitterka NISA lagu baahiyey Abshir Gaarane oo qiranaya uu 13 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse wareysigaan ayuu ku soo bandhigay dhibaatadii loo geystay ee ku kaliftay inuu sheegto Shabaab uusan aheyn.

Weriye Maxamed Cali Maxamed oo Muqdisho ku sugan ayaa wareystay Abshir Gaanare oo sheegay inuu hey’adda NISA u xirnaa mudo sanad iyo seddax bilood ah, iyadoo godka Jilicow loogu geystay jir-dilkii ugu xumaa.

Abshir oo lasoo xiray bilowgii bishii koowaad ee sanadkii 2020 ayaa sheegay in maalinkii sagaalaad ee xabsigiisa uu ku qasbanaaday inuu qirto wixii ay doonayeen ragii jir-dilayey ee Jilicow ku soo xiray.

Wuxuu sheegay in qolka lagu jir dilay ee sagaalka maalmood lagu haayey uu ku dheganaa xafiiska Ibraahim Macalin oo ahaa taliyaha NISA ee godka Jilicow.

Maalintii uu qirtay inuu yahay Shabaab wuxuu sheegay in muuqaalka uu taleefankiisa uga duubay Ibraahim Macalin, qirashada qorshihii ay wateen xubnihii ka tirsanaa NISA ayuu sheegay inuu ku qasbanaaday kadib markii loo geystay jir-dil xad dhaaf ah.

Seddax bilood ayuu sheegay inuu ku xirnaa Godka Jilicow, halka xabsi ku yaalla madaxtooyada uu ku xirnaa mudo sanad ah, sida uu ku cadeeyey wareysigaan.

Hadda wuxuu sheegay inuu xor yahay oo banaanka joogo, balse uusan dowladda ka helin wax magdhow ama cadaalad ah oo ku saabsan kiiskiisa, maadaama aad loo jir dilay, sumacadii bulshada laga dilay, waqti badana laga lumiyey oo xabsi dheer uu qaatay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada