Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Masar

daajis.com:- Madaxwyenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u kicitimay safar uu ku tagay dalka Masar.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale ujeedka booqashada ayaa waxaa ka mid ah in dib loo soo soo celiyo doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa horey u booqday lix waddan tan iyo intii la doortay bishii May 15-keedii, kuwaasi oo kala ah Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Djibouti iyo Tanzania.


Waxaa tan iyo intii la doortay madaxweynaha laga joogaa 70 maalmood, iyadoo markii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre magacaabayna ay ka soo wareegtay 40 maalmood.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada