Mustaf Cagjar “Shabaab ma khalkhal galin karto amniga dowlad deegaanka”

Mustaf Cagjar “Shabaab ma khalkhal galin karto amniga dowlad deegaanka”

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Al-Shabaab aanay khalkhal gelin karin amniga deegaanka.

“Waxaan ku kalsoonahay in amaanka deegaanka ayna sina ku khalkhalin karin argagixisada Al-Shabaab, cid kasta dabada ha ka riixdee. Halkani ma aha halkay moodeen!” ayuu madaxweyne Mustafa ku soo qoray bartiisa Facebook.

Wuxuu sidoo kale madaxweynuhu u mahadceliyay shacabka deegaanka: “Waxaan si wayn ugu mahadnaqayaa shacabka Deegaanka Soomaalida ee muujiyay midnimo aan horay loo arag, is garab taagayna halyeeyadooda.”

Madaxweynaha deegaanka ayaa maalmahaan ka maqnaa magaalada caasimadda ah ee Jigjiga isaga oo ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobollada Afdheer iyo Shabeelle. Marka laga yimaado fariintaan uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaa si guud u muuqanaya in madaxda deegaanku ay ka gaabsanayaan ka hadlidda xaaladaha hadda taagan.


Deegaannada ay dagaalladu ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa u badan deegaanno miyi ah oo mararka qaar laga yaabo in aanay dadba deggeneyn.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada