Askari dilay taliye NISA ah iyo walaashiis oo fagaare lagu toogtay.

Askari dilay taliye NISA ah iyo walaashiis oo fagaare lagu toogtay.

daajis.com:- Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku fulisay askari ka tirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya, kaasoo todobaadkii hore magaalada Cabduwaaq ku dilay sarkaal NISA ah iyo gabar la dhalatay.

Askariga la toogtay oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheer) oo ka tiraanaa ciidanka Milatariga ayaa loo qisaasay dil uu u geystay taliye kuxigeenkii ciidanka Nabad Suguda Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo gabar la dhalatay oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cumar Geelle.

Fagaaraha lagu dilay askarigan waxaa ka soo qeyb galay shacab badan oo u soo daawasho tagay toogashadan, iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno ka socday labada qoys iyo mas’uliiyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Si kastaba, Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa 24-kii Bishaan Maxkamadda Ciidamada ku riday xukun dil toogasho ah kadib markii lagu helay in Maqaayad kutaalla degmada Cabudwaaq uu ku dilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada