Saraakiil sare oo Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Saraakiil sare oo Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal culus oo ciidamadda amniga maamulka Puntland ay ka sameeyeen xaafaddo kamid ah magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in howlgalka oo bartilmaameed qorsheysan lahaa lagu soo qabtay saraakiil sar sare oo Al-Shabaab ah, kuwaasoo tiradooda iyo magacyadooda aan wali la shaacin.

Xubnaha u hadlay Puntland ayaa sheegay iney maxkamadaha horgeyn doonaan xubnaha la soo qabtay oo hore magacyadooda iyo dhaqdhaqaaqooda loola socday, iyadoo lagu eedeeyay falalka amni daro ee ka dhaca magaalada xarunta ganacsiga u ah Puntland ee Boosaaso.

“ Amiiro aad loo raadinayay ayaa ku jira horjoogayaasha aan qabannay oo aan maalmaha soo socda maxkamad hor keeni doono” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Laamaha Amniga Puntland oo warbaahinta gudaha u waramay.


Si kastaba, Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana maxkamadda ciidamada maamulkaas kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxdaas oo lasoo qabtay, isla-markaana lagu xukumay dil toogasho ah






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada