Warbixin: Waddamada Afrika ayaa qayb ahaan masuul ka ah eedda cunta yarida

Warbixin: Waddamada Afrika ayaa qayb ahaan masuul ka ah eedda cunta yarida

daajis.com:- Dhaqaaleyahannada iyo khubarada ganacsiga ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay kordhiyaan ganacsiga dhexdooda ah, isla markaana ay dib u soo nooleeyaan qaybahooda beeralayda si ay uga gudbaan cunto yarida iyo hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha ee uu uga sii daray dagaalka Ukraine.

Dhibaatada cunnada ee adduunka ayaa ka dhigtay ku dhawaad 300 milyan oo Afrikaan ah inay haleesho cunto yari, waxayna leedahay cunta yaridu sababo badan oo ay ka mid yihiin abaarta joogtada ah ee Bariga Afrika, qiimaha cuntada iyo tamarta oo sarreeya, iyo carqaladaynta qamadiga laga soo dhoofiyo Ukraine.

Madaxa ganacsiga ee guddiga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika Stephen Karingi oo khudbadn fogaan-arag ah jeediyay Arbacadii, ayaa sheegay in dalalka Afrika ay qayb ka yihiin eedda xaaladda cunta yarida.

"Suuqyadeenna cunnada waxaa la kulmayaan yaab ka imanaysa meelo ka baxsan qaaradda laakiin sababta aan u la kulanay naxdintan ayaa ah in ganacsiga Afrika dhexdeeda ah ee beeraha uu aad u hooseeyo," ayuu yiri Karingi oo intaas sii raaciyay. "Haddii aan si ka wanaagsan sidan samayn lahayn iyo In la furo awood buuxda oo dhinaca beeraha ah, ma aynaan la kulmi lahayn waxa aan maanta la kulmeyno."

Waddamo badan oo Afrikan ah ayaa ku tiirsan laba waddan oo kala ah Ruushka iyo Ukrain marka ay timaado cuntada iyo wax-soo-saarka beeraha, waxaana Iyadoo dagaalku uu sii socdo Ruushkana uu sii wadaa inuu xannibo dekedaha badda madow ee Ukraine, waxayna khubaradu ku boorrinayaan waddamada Afrika inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatadan.


Karingi waxa uu sheegay in qaarada Afrika ay u baahan tahay in ay bilowdo hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo dhaqaaleyahannadu ay sheegeen in uu awood u leeyahay in ilaa 30 milyan oo qof uu ka saaro faqriga.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada