Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiilkiisa oo qarax lagu dilay

Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiilkiisa oo qarax lagu dilay

daajis.com:- Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa maanta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa ka soo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Jimcaha xilliga weerarka lala beegsaday.

Ugu yaraan 11 qof oo kale, oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirka geeriyooday, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkan.
Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib weerar ismiidaamin ahaa oo 27-kii bishan lagu dilay in ka badan 10 qof oo uu ku jiray guddoomiyihii degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose Cabdullaahi Cali Waafow.

Sidoo kale isla 27-kii bishan waxaa qarax kale oo ka dhacay magaalada Afgooye, lagu dilay ugu yaraan afar qof, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada